Somaliland: Golaha Guurtida Oo Ansixiyey Xeerka Doorashooyinka

Hargeysa (HCTV) – Golaha Guurtida Somaliland ayaa Ansixiyay Xeerka Guud ee Doorashooyinka Qaranka iyo Diiwaan galinta Cod-bixiyayaasha.

Fadhiga lagu Ansixinyay waxaa ka soo Qayb galay 53 Xildhibaan waxa ogolaaday 49 mudane laba Xildhibaan waa diideen Hal Xildhibaana waa ka aamusay sidaasi ayuu kaga Gudbay Golaha Guurtida Somaliland.

Xeerkan ayaa ka soo Gudbay Golaha Wakiilada Somaliland una Gudbaya Madaxwaynaha Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay arrintan ayaa bogaadiyey Xildhibaannada Golaha Guurtida ee meel-mariyey Xeerka Doorashooyinka iyo diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha .

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ansixinta Xeerkaasi ay muhiim u tahay inay dalka ka dhacaan doorashooyin.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka