Dablay Al-shabaab Loo Malaynayo Oo Weerartay Bas Rakaab Siday

Kenya (HCTV) – Ugu yaraan 4 Qof oo Rakaab ah ayaa dhaawacmay, markii dablay hubaysan ay dhexda u galeen Gaadhi Bas ah oo u kala safrayey deegaannada Waqooyi-bari kenya oo ku dhow xuduudka Soomaaliya.

Taliyaha Booliska ee Waqooyi-bari Kenya Rono Bunei ayaa xaqiijiyey Weerarkan, waxaanu sheegay in Dablay looga shakisan yahay inay Al-shabaab yihiin inay rasaas ku fureen Baska oo marayey deegaanka Kutulo oo Waqooyi-bari Kenya ka mid ah, taasina sababtay dhaawaca Afar Ruux.

Kutulu oo ah halka Weerarku ka dhacay, sidan oo kale ayay hore Weeraro uga geysteen Kooxo looga shakisan yahay inay Al-shabaab ka mid yihiin.

Weerarada noocan ah ayaa ku soo badanaya Gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, kaasi oo xuduud la leh Soomaaliya.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka