Dawladda Mali Oo Siidaysay Maxaabiis Gaadhaya 180

Mali (HCTV) – Dawladda Mali ayaa sii deysay Maxaabiis Tiradoodu dhan tahay 180 Qof, kuwaasi oo ay ka haysay Kooxaha Islaamiyiinta ah ee Xagjirka ah, waxayna isla Maanta u duulisay Waqooyiga dalkaasi.

Sidaana waxa Warbaahinta u xaqiijiyey Masuuliyadda Dawladda Mali, kuwaasi sheegay in Dawladdu doonayso inay ku beddelato Maxaabiis kooxaha Xagjirka ah ka hayaan.

Maxaabiista Kooxaha Xagjirka ahi ka hayaan Dawladda Mali waxa ka mid ah Soumaila Cisse, kaasi oo la afduubay isagoo ku jira ololihiisa Madax-tinimo.

Dadka Maxaabiista ee loo siidaayey Kooxaha Xagjirka ah ayaa markii koowaad la siidaayey 70, waxaana markii dambana la siidaayey 110 Xubnood, sida Wargeyska The National ka soo xigtay Masuuliyiin ka mid ah Dawladda Mali.

Soumaila Cisse oo 70 jir ah ayaa saddex jir u tartamayey Xilka Madaxweyne-nimo ee Mali.
Maali waxa dagaalama kooxo Islaamiyiin xidhiidh la leh Daacish iyo dagaalyahano lagu xidhiidhiyo Boko Haram.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka