Akhri: Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga Oo Lagu Tuhmay Inuu Isreal U Dhuuntay

HomeSomali News

Akhri: Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga Oo Lagu Tuhmay Inuu Isreal U Dhuuntay

Madaxweynaha Somaliland Oo Furay Mashruuca Lagu Hirgelinayo Aagga Cashuuraha Ka Caagan ee Dekedda Berbera
Taliyihii Nabadsugida Galmudug Oo Qarax Miino Lagu Dilay
Akhri: Xisbiga UCID Oo Mu’aamaraad Ku Tilmaamay Talaabada Djibouti Ee Ganacsade Geelle
Hay’adda Amnesty Oo Ugu Baaqday Taliska Africom Inuu Magdhow Siiyo Qoysaska Dadkii Ku Dhintay Duqaymaha Soomaaliya
Duufaanta Fani Oo 3 Qof Ku Dishay India, Malaayiin Kalena Barakicisay

Riyaad (HCTV) – Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, ayaa dhawaanahan dhowr jeer booqasho ku tagay Israa’iil, sida ay tabiyeen warbaahinta Bariga Dhexe.
Dadka indha-indheeya xaaladda Gobolkaas ayaa aaminsan in xidhiidh qarsoodi ah uu hore uga dhaxeeyay Sacuudiga iyo Israa’iil, laakiin ilaa hadda ma jiraan safarro la xaqiijiyay ilaa hadda.

Warka ku saabsan Booqashooyinka qarsoodiga ah ee Maxamed Bin Salmaan waxaa laga shaaciyay Al Mayadeen TV, oo la hadlay saraakiil ka tirsan laamaha amniga Israa’iil.

Hase-yeeshee lama magacaabin saraakiisha reer Israa’iil ee telefishinka laga wareystay.

“Warar la xidhiidha arrimaha dibadda ayaa sheegay in Maxamed Bin Salmaan uu ku istareexay qorraxda magaalada Tel Avid, dhowr jeer,” ayuu telefishinka ku yidhi sarkaal hore uga tirsanaa hay’adda amniga Israa’iil ee lagu magacaabo Shin Bet.

Warbaahinta Iran ayaa sidoo kale aad u hadal heysa sheekadan.

Sacuudiga ayaa lagu yaqaannaa in uusan Israa’iil u dhaleeceynin sida ay u dhaliilaan Iiraan iyo Turkiga.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

COMMENTS