Fatahaadaha ka Dhacay Bariga Afrika Oo Waxyeeleeyay Dad gaadhaya 6 Million

Hargeysa (HCTV) – Tirada Dadka ay saameeyeen fatahaadaha soo noqnoqda ee ka dhacay Bariga qaaradda Afrika ayaa kor u kacday.

Afartii sanadood u dambeeyay oo ay si joogto ah u dhaceen Fatahaado ayay kor u kacday shan jeer Dadka khasaaruhu ka soo gaadhay, waxayna Tirada Dadka fatahaaduhu saameeyeen ku dhow tahay 6 Million, kuwaasi oo 1.5 Million Fatahaaduhu ku khasbeen inay Guryahooda ka baxaan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Qaybo ka mid ah Gobolka Geeska Afrika waxa laga diwaangeliyey inay ka da’een Roobabkii ugu waaweynaa Qarnigan.

Tirada Dadka Fahataaduhu waxyeeleeyeen ee bariga Afrika ayaa ka soo bilaabantay 1.1 Million 2016-kii, waxayna 2019-kii gaadhay 4 Million, taasi oo markiiba u gudubtay ama gaadhay lix Million.

Suudaan waxa dhacday Fatahaadda ugu khatarta badan Waddamada Bariga Afrika 860,000 Qof ayay Fahataaddu Guryahooda baa’biisay, waxaana ku dhintay 120 Qof, sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay.

Daadadka ayaa saameeyay Dalalka Ethiopia, Jabuuti,  Uganda,  Tanzania,  Rwanda, Burundi, Soomaaliya iyo Suudaan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka