Maraykanka Oo Shiinaha Uga Digay Inuu Weerarro Taiwan

USA (HCTV) – Dawladda Maraykanka ayaa Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha uga digtay inay qaaddo wax tallaabo Millateri ah oo ku waajahan Taiwan.

Robert O’Brien oo la taliye ka ah Waaxda Amniga Qaranka Maraykanka ayaa Arbacadii shalay uga digay Shiinaha inuu qaado wax Tallaabo Millateri ah oo lid ku ah Dawladda Taiwan, taasi oo uu sheegay inay noqon karto wax Maraykankuna ka jawaabo.

O’Brien ayaa hadalkan ka sheegay Xaflad ka dhacday Jaamacadda Nevada oo ku taalla Las Vegas ayaa tilmaamay in dhaqdhaqaaqyada Shiinaha ee Waqooyiga badda Pacific ay khatartooda leeyihiin, sidaasi darteed Dawladda Maraykankuna eegayso.

La Taliyahani wuxuu sheegay inay Shiinaha iyo Taiwan u dhaxayso 160KM ama 100 Mayl, sidaasi darteed aanay wax fudud ahayn in shiinuhu uu intaa dhaqdhaqaaq ka sameeyo.

Shiinaha ayaa aaminsan in Taiwan ka tahay Jaziirad dalkiisa ka mid ah, laakiin Taiwan oo aan Dalalka Adduunka badankoodu aqoonsanayn ayaa xidhiidh wanaagsan la leh Dawladda Maraykanka, waxaana jira heshiis dhigaya in Maraykanku difaaco Taiwan, haddii Shiinuhu uu weerar ku qaado.