Prof. Cali Khaliif Galaydh Oo Ku Geeriyooday Itoobiya

Jigjiga (HCTV) – Allaah ha u naxariistee waxa Maanta Geeriyooday Madaxweynihii Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh.

Cali Khaliif Galaydh ayaa Ku Geeriyooday Magaalada Jigjiga ee Caasimadda Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo uu Maalmihii u dambeeyay ku sugnaa.

Geerida Cali Khaliif Galaydh waxa xaqiijiyey Dad ka mid ah Ehelladiis.

Cali khaliif Galaydh ayaa Allaah ha u naxariistee wuxuu mar soo noqday Raysal-wasaaraha Soomaaliya – imikana waxa uu ahaa Madaxweynaha kooxda Khaatumo.

Muddooyinkii u dambeeyay waxa ku sugnaa Magaalada Hargeysa – ka dib markii Khaatumo heshiis la gashay Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-KA