Turkiga Iyo Giriiga Oo Isku Raacay In Laga Wadahadlo Khilaafka Badda Mediterranean-ka

Ankara, (HCTV) – Dawladaha Turkiga iyo Giriiga ayaa isku raacay in la qaado tallaabooyinka lagu dhisayo kalsoonida iyo in la qabto wadahadalo sahaminta ah oo laba geesood ah ka dib toddobaadyo xiisado ka taagnaayeen muran la xidhiidha xuquuqda badaha ee Bariga badda Mediteranean-ka, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay Khamiistii.

Inuu la kulmay dhigiisa Giriiga Nikos Dendias markii ugu horeysay tan iyo markii uu soo ifbaxay khilaafka u dhexeeya Ankara iyo Athens.

Cavusoglu oo la hadlayey warbaahinta dawladda kadib shirkii Golaha Amniga Adduunka ee Slovakia, Cavusoglu waxa uu sheegay in Turkigu martigalin doono wareegga koowaad ee wadahadallada sahaminta marka ay dib u bilaabmaan, laakiin labada dawladood ee ka wada tirsan NATO ayaa hada ka shaqaynaya inay dajinaan xiisada iyo xiliga ay wadahadlayaan.

Xiisadda ayaa soo shaac baxday bilihii la soo dhaafay markii dhinac walba uu sheegtay dhulbadeedka bariga badda Medterenianka oo Turkigu uu u diray markab sahamin ah si loo muujiyo suurtagalnimada qoditaanka saliidda iyo gaaska, taasoo ka cadheysiisay Giriiga.