WADDANI Oo Dacwad ka Gudbiyey Shaqaale Dawladeed Oo Shirkii Kulmiye ka Qayb-galay

Hargeysa (HCTV) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa sheegay inay Dacwad ka gudbiyeen Xubno ka mid ah Shaqaalaha Dawladda Somaliland oo ka qayb-galay Shirweynihii 4-aad ee Xisbul-xaakimka Kulmiye.

Xoghayaha Shaqaalaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Maxamed Sidiiq Dhamme oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Xeerka shaqaaluhu aanu dhigayn in Xubnaha Shaqaalaha Dawladdu ka qayb-galaan ama ku dhex milmaan Xisbiyada Siyaasadda, maaddaama oo ay yihiin Adeegayaal bulsho, sidaasi darteed ay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda u gudbiyeen Magacyada Xubno ka mid ah Shaqaalaha Dawladda oo ka qayb-galay Shirweynihii 4-aad ee Xisbiga.

Dhamme oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Madaxweynuhu muu ixtiraamin Qawaaniinta Qaranka uga yaalla ee wuxuu uga faa’ideeyay Xisbiga Kulmiye, dhaqaalihii Qaranka..”

Dhamme wuxuu sheegay in Xubnaha ay diwaangeliyeen ee ka qayb-galay Shirweynaha Kulmiye iyagoo shaqaale Dawladeed ah ay ka mid ahaayeen xubno ka mid ah Komiishanka Xuquuqal iinsaanka Qaranka “Waxa kale oo ka mid ahaa Agaasimeyaal guud oo shaqadii soo baylihiyey, isagoo Madaxweynuhu in badan sheegay in aanay Agaasimeyaasha guud aanay ku milmin Xisbiyada Qaranka..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waanu diwaangelinay, waxaanu u samaynay dhukumanti, waxaanu u gudbinay Hay’adda Shaqaalaha, waxaanuna eegaynaa Tallaabada uu qaado Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha…”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka