Dagaalkii Armenia iyo Azerbaijan Oo Joogsaday Iyo Wada-hadallo U Furmaya

Armenia (HCTV) – Armenia iyo Azerbaijan ayaa ku heshiiyay xabad joojin ku meel gaadh ah, ka dib dagaalkii labada dal ee gobolka lagu muransanyahay ee Nagorno-Karabakh.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa ku dhawaaqay xabad joojinta kaddib 10 saacadood oo lagu wadahadlayay magaalada Moscow ee dalka Ruushka.

Wasiirka ayaa sheegay in haatan labada dal ay bilaabi doonaan wadahadallo muhiim ah.

In ka badan 300 oo qof ayaa dhimatay halka kumanaanna ay guryahoodii ka barakeceen tan iyo ay bilaabatay shaqaaqadii ugu dambeeysay ee 27-kii bishii Sebteembar.

Xabadda joojinta ayaa bilaaban doonto maanta barqada si ay u suurogasho in la is weydaarsado maxaabiista iyo la gurto meydadka dadkii ku ku dhintay gulufkii labad toddobaad socday ee dhexmaray Armenia iyo Azerbaijan

Nagorno-Karabakh waxaa maamulo qowmiyad asal ahaan ka soo jeedda Armenia, balse rasmiyan wuxuu gobolkan uu khilaafkiisa mudddada badan soo jiitamayay ka tirsan yahay Azerbaijan.

Armenia iyo Azerbaijan – waa laba dal oo horey u ahaa jamhuuriyadihii Midowgii Soofiyeeti – waxayna dagaallo ku dhex mareen sannadihii 1988-1994 gobolkaas. Waxaana sii kordheysay cabsida laga qabay in quwadaha caalamka ay u horseedaan khilaaf daba dheeraada.

Ruushka ayaa se qeyb ka ah isbaheysi militari oo ay la leeyihiin Armenia, waxaana uu dalkaasi ku leeyahay saldhig milatari. Si kastaba ha noqotee, waxay sidoo kale xidhiidh dhow la leeyihiin dowladda Azerbaijan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka