Magacyada Qaar Ka Mid Ah Siyaasiyiinta Kulmiye Ee Laga Reebay Liiska Golaha Dhexe Ee Xisbigaas

Hargeysa (HCTV) – Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbul-xaakimka Talada Somaliland haya ee KULMYE ayaa waxa laga reebay siyaasiyiin muddo dheer ka mid ahaa Xisbigaasi.

Weli lama soo saarin Liiska rasmiga ah ee Golaha dhexe ee cusub ee Xisbiga Kulmiye, Hase-yeeshee Ilo-wareedyo Xog-ogaal ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Liiska Xubnaha Golaha dhexe ee la gudbiyey laga saaray siyaasiyiin ay ka mid yihiin Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirkii hore ee Qorshaynta Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo), Wasiirkii hore ee Macdanta Eng.

Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdillaahi Ibraahim Habbane (Cabdillaahi Dheer).

Wasiirkii hore ee Warshadaha Shucayb Maxamed Muuse, Xildhibaan Cabdillaahi-Balaaki, Siyaasiga Maxamed Iid Dhimbiil iyo Safiirka Somaliland ee dalka Kenya Baashe Cawil Xaaji Cumar.

Lama oga Sababta Golaha dhexe looga saaray Xubnaha kor ku xusan, maaddaama oo aanay jirin meel ay ku sheegeen inay iyagu ka baxeen Xisbiga, marka laga reebo Siyaasiyiin hore u dhaliilay Hoggaaminta Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye.

Siyaasiyiinta laga reebay Golaha dhexe ee xisbiga ayaan weli intooda badan ka hadal, marka laga reebo Maxamed Iid Dhimbiil oo cambaareeyay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka