Switzerland Oo Sheegtay In Qof Dalkeeda U Dhashay Oo Lagu Haystay Mali La Dilay

Swiss, (HCTV) – Wasaarada Arrimaha dibada ee Switzerland ayaa sheegtay in Beatrice Stoeckli oo afar sanadood ka hor ay afduubeen dagaalyahano xidhiidh la leh Alqaeda in ay dileen.

Wasaarada Arimaha Dibadu waxay intaasi ku dartay in qofka afduubka loogu haystay dalka Mali tan iyo 2016-kii ay ahayd haweenay, taas oo ay dileen kooxda xidhiidhka la leh Al-Qaacida, sida Wasaarada Arimaha Dibadu ay sheegtay maalintii Jimcihii, taaso oo tilmaantay in masuuliyiin ka tirsan Faransiisku in ay ku wargaliyeen in la dilay haweenaydaasi la haystaha ahayd “Waxa dilay kooxda Islaamiyiinta Argagixisada ah ee Jama’at Nusrat al-Islam Muslimeen” bilk a hor.

Wasaarada Arimaha dibada ee Switzerland waxay cambaaraysay dilka Stoeckli, xili dalkaasi ay si gaabis ah uga xaajoonayey tan iyo markii la afduubay haweenaydaasi afar sanadood ka hor.

“Murugo xanuun badan ayay nagu reebtay tan iyo markii aan maqlay dhimashada muwaadinada u dhalatay dalkayaga ayuu yidhi Ignazio Cassis, war-saxaafadeed uu soo saaray, waxaanu intaasi ku daray “Waxaan si xoogle u cambaaraynayaa falkaasi axmaqnimada ah iyo anigoo si qoto dheer uga tacsiyadaynayaa qaraabadeeda.

Macluumaadka ku saabsan dilka haweenaydan u dhalatay Switzerland ayaa waxa baahisay dawlada Faransiiska oo iyada dhawaan muwaadiniin dalkeeda u dhashay la sii daayey, sidaasi waxa tidhi wasaarada Arimmaha dibada Switzerland.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.