Xisbiga Kulmiye Oo Soo Saaray Liiska Rasmiga Ah Ee Golaha Dhexe

Hargeysa, (HCTV) –

Liiska Xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ee rasmiga ah ee lagu ansixiyey shirweynihii 4aad ee qabsoomay 4 ilaa 6 October 2020, ayaa la shaaciyey maanta oo taariikhdu tahay 10-ka October.
Liiskan oo ay si wadajir ah u xaqiijiyeen hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo shirguddoonkii shirweynaha 4aad ee xisbigu, waxa tiradiisu tahay 239 ka mid ah ergooyinkii ka imanayey gobollada iyo 54 xildhibaan, waxase jira xildhibaano aanay magacyadoodu halkan ku jirin oo lagu soo dari doono, kuwaas oo mar hore si toos ah uga mid ah golaha dhexe, iyadoo lagu dari doono Maayarrada degmooyinka dalka ee KULMIYE, Guddoomiyayaasha xisbiga ee Gobollada iyo labada xubnood ee ergada gobollada ka maqan oo lambarradoodu kala yihiin 49 iyo 50 ee liiska golaha dhexe ee la faafiyey.
Liiskan golaha dhexe oo uu saxeexay Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Xuseen magayacyadoodu waa kuwan hoos ku daabacan.
Fiiro gaar ah: lambarka 175-aad ee uu ku qoran yahay Idiris Aadan Raage, waxa uu sax ku yahay Xildhibaan Axmed-yaasin Sheekh Cali Ayaanle, halka lambarka 80-aad ee uu ku qoran yahay Eng. Saleebaan Cabdillaahi Maxamed uu sax ku yahay Eng. Xuseen Sh. Aadan Cabdi.