Azerbaijan Oo Sheegtay In Sagaal Qof Lagu Dilay Duqayn Armenian Ay Gaysatay

Ganja, (HCTV) – Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay duqayn xalay ka dhacday Ganja oo ah magaalada labaad ee Azerbaijan, xafiiska xeer-ilaaliyaha ayaa sheegay in 24 saacadood wax ka yar markii la gaadhay heshiiskii xabadjoojinta eek u saabsanaa dhulka lagu muran san yahay ee Nagorno-Karabakh.

Heshiiska Azerbaijan iyo Armenia oo uu gadhwadeen ka ahaa Ruushku, ayaa looga gol lahaa in lagu joojiyo dagaalka, isla markaana ay maxaabiista is dhaafsadaan.

Labada dhinacba waxa uu midba midka kale ku eedeeyey inuu ku xadgudbay xabad-joojinta oo uu duqaynta bilaabay. Armenia ayaa iyadu diiday inay bartilmaameedsatay Ganja, waxaanay ku eedeeyeen ciidamada Azeri inay duqeeyeen caasimada gobolka Nagorno-Karabakh ee Stepanakert iyo magaalooyin kale intii lagu gudo jiray jabinta xabad-joojinta.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.