Wasiirka Isgaadhsiinta Iyo Tknoolajiyada Somaliland Oo La Kulmay Ergeyga Midawga Yurub

HomeSomali News

Wasiirka Isgaadhsiinta Iyo Tknoolajiyada Somaliland Oo La Kulmay Ergeyga Midawga Yurub

Weftigii Xisbiyada Kulmiye Iyo UCID Oo Baarlamaanka Kenya Kulamo La Yeeshay
Taliyaha Cusub Ee Ciidanka Xooga Dalka Oo Xilkii La Wareegay
Xildhibaan Sheegay In 12 Wiil Ay Gabadh Ku Kufsadeen Boorama
Priyanka Chopra Oo Ethiopia Socdaal Ku Tagtay
AFRIKA: Maayar Ka Qayb-qaatay Xasuuqii Tuutsiga Ruwanda Oo Xabsi Daa’im Kagu Xukumay

Hargeysa, (HCTV) – Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyada Somaliland Dr Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Midawga Yurub u qaabilsan Somalia, Ambassador Nicolas Berlanga Martinez.

Kulankan oo ka dhacay Wasaaradda  Isgaadhsiinta ayaa waxa ka soo qaybgalay Ergeyga gaarka ah ee EU-da ee Somaliland iyo Somalia, Ambassador Nicolas Berlanga Martinez, wasiirka wasaaradda Dr. Abdiweli Abdillahi Soufi, Agaasimaha Guud Eng. Ali Abdillahi Dahir, Agaasiimaha E-Government-ka Moustapha Daud iyo La-Taliyaha Wasiirka Liban A. Cashuur.

Ambassador Nicolas ayaa sheegay in EU-du ka taageeri doonto wasaaradda hirgalinta mashaariicda Teknoolojiyadda, qorshaha shanta sano ee E-Government-ga iyo sidii guud ahaan kor loogu qaadi lahaa horumarinta Teknoolojiyadda ee Somaliland isaga oo sidoo kale sheegay in ay la dhacsan yihiin Qorshaha shanta sano ee E-Government-ka ee ay wasaaraddu diyaarisay.

Wasiirka wasaaradda ayaa isna dhankiisa uga mahad celiyay Ambasaddorka iyo EU-da sida ay markasta garab taagan yihiin guud ahaan Somaliland iyo Wasaaraddaba.

Ugu danbayn Wasaaradda Isgaadhsiinta ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii kor loogu qaadi lahaa teknoolojiyyadda Qaranka JSL, isla markaana Somaliland u noqon layahd hormoodka teknoolojiyadda Geeska Afirca.

COMMENTS