Dibed-bax Caddaalad Loogu Raadinayo Hooyo La Dilay Oo Burco Ka Dhacay (Akhri/Daawo)

Burco (HCTV) – Waxa Maanta Magaalada Burco ka dhacay dibed-bax, kaasi oo ay dhigeen Dad u badan dhallinyaro iyo Haween.

Dibed-baxan ayaa Dadka dhigayey waxay ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin Kufsi iyo dil loo geystay Hooyo haysatay Saddex Carruur ah, kaasi oo habeen hore ka dhacay Magaaladaasi.

Dadweynaha Dibed-baxa dhigay ayaa dalbaday in Sharciga la mariyo Cidda falkaa geystay oo ay Caddaalad hesho Hooyo Ugbaad Cali Cabdillaahi oo ah Marxuumadda kufsiga iyo dilka loogu geystay Magaalada Burco “Dawladda Somaliland waxaanu ka codsanaynaa Ugbaad Cali Cabdillaahi Ninkii dilay Cadaaladda hala noo mariyo..” ayay tidhi Haweenay ka mid ah kuwo Dibed-baxa ka dhigay Magaalada Burco., waxayna intaa ku dartay “Madaxweynaha Somaliland waxaanu leenahay hablaha sidaas oo kale ayaa ku dhacaysa (Haddii Cadaalad la waayo)..”

Hooyada la dilay ayaan illaa hadda la aasin isla-markaana ku jirta Qaboojiyaha Cisbitaalka guud ee Magaalada Burco, waxaana Ehelkoodu doonayaan in Sharciga la mariyo Gacan ku-dhiiglaha dilkeeda geystay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka