Isreal Oo Dalkeeda U Daabulaysa 2000 Qof Oo Ka Mid Ah Yuhuudda Itoobiya Deggan

Tel aviv (HCTV) – Raysal-wasaaraha Itoobiya Benjamin Netanyahu ayaa u sheegay dhiggiisa dalka Itoobiya in dalkiisu si deg-deg ah u qaadi doono 2000 Qof oo ka mid ah Yuhuudda ku nool dalka Itoobiya.

Raysal-wasaaraha Isreal ayaa Warkan Jimcihii ku dhawaaqay, ka markii ay Khadka Telefoonka ku wada hadleen Raysal-wasaaraha Itoobiya sida laga soo xigtay Xafiiskiisa Magaalada Tel Aviv.

Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay in arrintani Marag u tahay siday Raysal-wasaaraha uga go’an tahay inuu sii wado in Isreal loo daabulo Dadka Yuhuudda ah ee Itoobiya deggan.

Dad gaadhaya 13,000 Qof oo Itoobiyaan-Yuhuud ah ayaa ku sugan Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya iyo Goondhar, kuwaasi oo dhammaantood sugaya in Isreal loo qaado.

Dadka Yuhuudda ah ee Itoobiya ku nool ayaa Gurigooda saxda ah ku sheega Isreal, laakiin muddo dheer oo ay ku noolaayeen Gaajo iyo nolol adag looma ogolayn inay u safraan Isreal.

“Qaar badan oo ka mid ah Yuhuudda Itoobiya deggan ayaa sheegay in Ehelladooda hore loo dejiyey Isreal..” ayay sheegtay Wakaaladda Wararka AP oo HCTV uu warkan ka soo xigtay.

“2019 oo uu dunida ku soo kordhay xanuunka Covid_19 waxa Isreal loo qaaday Dad gaadhaya 250 Qof, kuwaasi oo halkaa dib u dejin looga sameeyay.” sidaa waxa AP u sheegtay Nigusie Alemu Eyasu oo ah Agaasimaha Barnaamijkan ee Bulshada Yuhuudda ah ee Itoobiya deggan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka