Kenya Oo Sheegtay In Aanay Ciidammadeeda La Baxayn, Illaa Soomaaliya Cagaheeda Isku Taagto

Nairobi (HCTV) – Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Monica Juma, ayaa faahfaahin ka bixisay Shuruudaha ku xidhan in milatariga Kenya ee ku sugan Soomaaliya laga soo saaro.

Juma ayaa meesha ka saartay warar dhawaanahanba la isla dhex marayay oo ku saabsanaa in Kenya ay qorsheyneyso sidii ay ciidankeeda uga soo saari lahayd Soomaaliya, waxayna sharraxaad ka bixisay shuruudaha ku xidhan tallaabo noocaas ah.
“Runtii maba jiraan waxyaabo u baahan in la kala caddeeyo. Kenya waxay qeyb ka tahay waddamada ay ciidamadooda ku jiraan Amisom. Waxaan halkaas ku tagnay qaraar kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Laakiin waa la ogyahay in howlaha aan Soomaaliya ka wadno ay goor horeba sii socdeen laga soo billaabo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-1992-kii…” ayey tidhi Juma.

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayey sheegtay in dhowr arrimood uun ay keeni karaan in ciidamada Kenya laga soo saaro Soomaaliya, waxayna tidhi “Sabab ayaan Soomaaliya u tagnay, dabcanna way jiraan shuruudo ku xidhan in annagoo Amisom la mideysan aan ka soo baxno halkaas. Shuruudahaas waxay kala yihiin; In nabad laga hirgaliyo Soomaaliya, in laga adkaado Al-Shabaab iyo in laamaha gudaha ay awood u yeeshaan sugidda amniga.”

Hadalka Juma wuxuu gabi ahaanba meesha ka saarayaa in Kenya ay si gaar ah u tixgalineyso tallaabo ku aaddan sidii ay ciidankeeda uga saari lahayd Soomaaliya, waxayna caddeysay “in mar walba ay qeyb ka yihiin go’aannada guud ee Amisom, oo hoos tagta Midowga Afrika.

Bishii March ayey soo baxeen warar ku saabsan in Kenya ay isu diyaarineyso wadahadal ku aaddan in ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.

Xilligaas waxaa la sheegay in Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Monica Juma, ay hormuud ka noqon doonto wada-xaajoodka ka bixitaanka Soomaaliya, kaasoo qeyb ka ah qorshaha ciidamada AMISOM Soomaaliya looga saarayo sanadka 2021-ka.

Wasiirka Gaashaandhigga Dalka Kenya ayaa Warkan ku sheegtay Waraysi ay siisay Wargeyska Nation oo ka soo baxa Nairobi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka