Budhcad-badeed Soomaali Ah Oo Hawl-galo Ka Fuliya Nigeria

Budhcad-badeed Soomaali Ah Oo Hawl-galo Ka Fuliya Nigeria

Trump Oo Khudbad Uu Jeediyey Ku Cambaareeyey Cunsuriyada Iyo Saraynta Cadaanka Dalkiisa
Maxkamada Ciidamada Somalia Oo Xukun Dil Ah Ku Riday Xubin Katirsan Daacish
Haweeney Seygeeda Kelli Ugu Deeqday Oo Hadda Dalbatay Inuu U Soo Celiyo
Madaxweyne Ku-xigeenkii U Horreeyay Ee Puntland Oo Kenya Ku Geeriyooday
34 Ciidanka Maraykanka Ah Oo Laga Helay Dhaawacyo Dhinaca Maskaxda Ah, Ka dib Weerarkii IRAN

Nigeria (HCTV) – Budhcad-badeed Soomaali ah ayaa la sheegay inay hawl-gallo ka wadaan Biyaha dalka Nigeria iyo Gacanta Guinea.

Sidaana waxa soo weriyey isla-markaana daabacay Wargeyska Punch.

“Waxaan xaqiijinay xidhiidh ka dhexeeya dambiyada ka dhaca baddayada iyo dhaqdhaqaaqyada budhcad-badeedda Soomaalida..” ayuu yidhi Madaxa Hay’adda Badbaadada Maamulka Badaha Nigeria Dr. Bashir Jamoh oo Wargeysku soo xigtay.

Masuulkani waxa kale oo uu sheegay in Budhcad-badeeda Soomaalidu ay isaga gudbaan Xeebaha Soomaaliya illaa kuwa Xeebaha Galbeedka Afrika, iyagoo Aakhirkana hawl-galladooda ka fuliya biyaha Nigeria.

Masuulkan ayaa ka dayriyey sida Budhcad-badeeda Soomaalidu hawlahoodu xawliga ugu socdaan, isagoo xusay inay xitaa beriga Nigeria u gudbaan isla-markaana ay Doonyo ka kiraystaan “Waxay xitaa soo galaan xuduudaha dhulka, waxayna kireystaan doonyo u fuliya hawlahooda..” ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

COMMENTS

%d bloggers like this: