Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Beesha Caalamka Kala Hadlay Arimaha Doorashada

HomeSomali News

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Beesha Caalamka Kala Hadlay Arimaha Doorashada

Guddidii Loo Xilsaaray Buugga Wasiir Guri Barwaaqo oo ku Baaqay In la Gubo
Faahfaahin :Wasiir Saqar oo ka Mid ahaa Dadkii ku Dhintay Weerarkii Maanta.
Xeer Hor-yaalla Wakiillada Somaliland oo Khilaaf Abuuray.
Reer Awdal Oo Sheegay Inay 33 Kursi Ka Doonayaan Golaha Wakiillada Somaliland
Coronavirus: Hindiya Oo Tareennadii Shaqada Laga Joojiyey Ka dhigaysa Cisbitaallo Ku Meel-gaadh Ah

Muqdisho, (HCTV) – Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey shir looga hadlayay habsami-u-socodka hannaanka doorashooyinka iyo dhameystirka dib-u-eegista dastuurka.

Shirka ayaa lagu soo boggaadiyey heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray hannaanka doorashooyinka iyo sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka ah fulinta qodobadii kasoo baxay shirkii Madaxda DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ah ee lagu heshiiyey in dalka ay ka dhacaan doorashooyin ku qabsooma waqtigooda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa shirka kusoo bandhigay sida ay uga go’an tahay Xukuumaddiisa fulinta qodobadii lagu heshiiyey ee ahaa in dalkan ay ka dhacdo doorasho xasilloon, isla markaana ay si caadi ah u socon doonaan howlaha dowladda xiliyada doorashada.
Rooble ayaa xusay in laamaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ay u diyaarsan yihiin dardargelinta fulinta qorshaha amniga codbixiyeyaasha, musharixiinta iyo maamuleyaasha doorashooyinka ee ku sugan goobaha codbixintu ka dhacayso.

COMMENTS