Akhri: Isreal Oo Ka Soo Horjeedsatay In Qadar Iibsato Diyaaradaha F-35

Tel Aviv (HCTV) – Dawladda Israel waa ay ka soo horjeedsan doontaa in Mareykanka uu dalka Qatar ka iibiyo diyaaradaha dagaalka ee F-35.

Sidaas waxa sheegay Wasiirka Sirdoonka Israel Eli Cohen oo Shalay hadlay.

Eli Cohen, oo la hadlay Idaacadda Ciidamada Israel, ayaa sababta diidmadaas ku sheegay in Israel ay u baahan tahay inay joogtayso inay noqoto dalka Milletari ahaan ugu awood badan Gobolka.
Waxa uu hadalkan sheegay mar waxa laga weydiiyey warbixin ay qortay wakaaladda wararka Reuters oo la xidhiidhay in Qatar ay codsi rasmi ah u dirtay Washington, kaasi oo ay ku dooneyso in lagaga iibiyo diyaaradaha F-35.

“Amnigayaga iyo inaan sii ahaano dalka ugu militariga sarreeya gobolka waa waxyaabo aad muhiim noogu ah.” ayuu yidhi Wasiirka Sirdoonka ee Isreal Mr. Eli Cohen.

Codsiga Qatar ayaa ka dambeeyey heshiis ay bishii August gaadheen Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta, kaasi oo Washington ay ku ogolaatay inay ka fakarto in diyaaradaha F-35 laga iibiyo Imaaraadka, waxayna qeyb ka aheyd heshiiska Abu Dhabi ay la gashay Israel, ee ay kula yeelatay xidhiidh diblumaasi.

Israel ayaa sidoo kale hore uga soo horjeedsatay in diyaaradahan laga iibiyo Imaaraadka Carabta.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka