Soomaaliya: NISA Oo Sheegtay Inay Qabatay 79 Tan Oo Ah Sunta Qaraxyada Laga Sameeyo Ah

Muqdisho (HCTV) – Hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee Magaceeda loo soo gaabiyo NISA, ayaa sheegtay in ay gacan ku dhigtay 79 Tan oo ah maadada “Sulfuric Acid” oo ah maadooyinka qaraxyada laga sameeyo.
NISA waxa kale oo ay sheegtay inay Gacanta ku dhigtay Dadkii Waddanka soo geliyey, kuwaasi oo doonayey inay u gudbiyaan kooxda Al-shabaab.

War qoraal ah oo Hay’adda NISA ku baahisay barta ay ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu yidhi “Waxa Gacanta lagu dhigay 79 Tan oo Maaddada “Sulfuric Acid” ah iyo shakhsiyaadkii Dalka soo geliyey, una gudbinayey Maafiyada Al-shabaab, waxayna Waajihi doonaan Sharciga..”

NISA waxa kale oo ay qoraalkeeda ku sheegtay “Baadhitaanka Maadadan waxa ka wada shaqaynaya NISA iyo Hay’adaha ay iska kaashadaan la dagaalanka argagixisada..” ayay qoraalkeeda ku sheegtay Hay’adda NISA.

Warka NISA ayaa ku soo beegmay Maanta oo Soomaaliya laga xusayo Sannad-guuradii saddexaad ee ka soo wareegtay Qaraxii lagu hoobtay ee ka dhacay Suuqa Soobbe ee Magaalada Muqdisho.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka