Xildhibaan Ka Mid Ahaa Golaha Wakiillada Somaliland Oo Hargeysa ku Geeriyooday

Hargeysa (HCTV) – Allaah u naxariistee waxa Geeriyooday Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel oo ka mid ahaa Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland.

Xildhibaanka ayaa Maanta ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa, sida ay xaqiijiyeen Eheladiisu.

Marxuum Cabdikariin Aw Cali Shabeel oo ka mid ahaa Mudaneyaashii ka soo baxay Xisbigii burburay ee UDUB ayaa xilligan ka mid ahaa Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland iyo Mas’uuliyiin kale ayaa Tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel oo ka mid ahaa Golaha Wakiilada.

La soco Taariikhda Marxuumka

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka