Dalkii Afraad Ee Carbeed Oo Xidhiidh Cusub La Samaystay Isreal

Burco (HCTV) – Dawladaha Baxrayn iyo Isreal ayaa gaadhay heshiis ay ku caadiyeeyeen Xidhiidhkoodii diblumaasiyadeed.

heshiiskan oo uu ka soo shaqeeyay Maraykanku ayaa Axaddii Shalay ka dhacay Magaalada Manama ee dalka Baxrayn.

Muddo tobanaan sano ah, dowladaha carabta badankooda waxay qaadaceen Israel, iyagoo ku adkeysanaya inay dhisi doonaan oo kaliya xidhiidhooda kadib markii la xaliyo khilaafka Falastiin
Baxrayn hadda waa waddankii afraad ee carbeed ee bariga dhexe kadib markii dalalka sida Imaraadka carabta, Masar iyo Urdun ay aqoonsadeen Israel tan iyo aasaaskeedii 1948-kiii.

Xidhiidhadan diblomaasiyadeed ayaa waxaa cambaareeyay Falastiiniyiinta, waxayna ku tilmaamen mid dhabar jebin ah.

Munaasabad ka dhacday Manama fiidnimadii Axada, Baxrayn iyo saraakiisha Israel waxay kala saxeexdeen xidhiidh diblomaasiyadeed oo buuxa, Labada dalna waxaa hadda la filayaa inay dib u furaan safaaraddo.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka