Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Dil Burco Loogu Geystay Hooyo Haysatay 3 Carruur Ah

Burco (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Khudbad ka jeediyey Jaamacadda Burco oo ay Maanta ka qalin-jebiyeen Arday gaadhaysa 500, kuwaasi oo bartay Kuliyado kala duwan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu khudbaddiisa soo hadal-qaaday dil fool xun oo dhawaan Magaalada Burco loogu geystay Hooyo Magaceeda ahaa Ugbaad Cali, taasi oo haysatay saddex Carruur ah isla-markaana ka mid ahayd Ardayda Jaamacadda Burco.

“Waxaan shacabka Somaliland ka tacsiyadeynayaa, gaar ahaan ardeyda maanta ka qalinjabinaysa jaamacadda Burco , gaar ahaan haweenka, dilkii foosha xumaa ee lagula kacay Ugbaad Cali oo maanta kamid ahaan lahayd ardeyda qalinjabinaysa jaamacadda, waxaanan farayaa hay’addaha garsoorka in hawsha sida ugu dhaqsaha badan loo dadajiyo , balana waxaan ku qaadaya inaan hore ka fuliyo marka uu isoo gaadho.” ayuu yidhi, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Ciddii dilka geysatay Sharciga la marinayo, sidaasi darteedna wuxuu u digay Dad uu sheegay inay Faro-gelin ku sameeyaan Kiisaska Maxkamadaha ku jira, waxaanu xusay in arrintaasi marka ay isaga soo gaadho uu si deg-deg ah loo fulin doono.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka