DR Congo: Dagaalyahano Hubaysan Oo Xabsi Ka Sii Daayey Tiro Ka Badan 1,300 Maxbuus

Beni, (HCTV) – Dagaalyahano hubaysan ayaa tiro ka badan 1,300 Maxbuus ka sii daayey Xabsi ku yaala Beni oo ku taala bariga Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo (DRC) oo weerarkani ka dhacay subaxdii hore ee salaasada maanta.

Tiro ka yar 100 ayaa ku hadhay markii weerar isdabajoog ah lagu soo qaaday xabsiga dhexe ee Kangbayi oo ay amaankiisa sugayeen ciidamo military.

Maayarka magaalada, Modeste Bakwanamaha ayaa sheegay inuu ku eedaynayo weerarkan maleeshiyo hubaysan oo ku sugan deegaankan weerarku ka dhacay.

“Nasiibdaro, kuwa weerarka soo qaaday, oo tiro badnaa, waxa u suuro gashay inay jabiyaan albaabka,” sidaasi ayuu u sheegay Bakwanamaha oo khadka telefoonka ugu waramay wakaalada wararka ee Reuters.

Ma jirto ilaa iyo hadda koox si degdeg ah u sheegatay masuuliyada weerarkaasi balse Maayar Bakwanamaha ayaa “waxaanu rumaysanahay inay ahaayeen ADF kuwa sameeyey sidan.”

Laba maxbuus ayaa ku dhintay intuu lagu gudo jiray weerarka, kaas oo bilaabmay 4:30 subaxnimo, sida ay boolisku ku sheegeen Twitter-ka.

Kooxdan The Allied Democratic Forces oo magacooda loo soo gaabiyo (ADF), ayaa ah koox hubaysan oo Uganda ka soo jeedia balse ka hawlgala Jamhuuriyada Dimuqraadiga Congo tan iyo 1990s, waxaanay dileen tiro ka badan 1,000 tan iyo bilawgii 2019, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.