Taariikhda Fannaanada Saynab Xaaji Cali Baxsan Oo Geeriyootay

Muqdisho (HCTV) – Allaha u naxariisto waxaa Shalay Gelinkii dambe magaalada Muqdisho ku geeriyootay Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ahayd Fanaanad wayn oo aad looga yaqaanay Gayiga Soomaalida.

Fanaanada ayaa waayihii ugu dambeeyay ku xanuunsanaysay magaalada Muqdisho, iyadoo mar dalka dibadiisa xaalad caafimaad loogu qaaday kadibna ay kusoo laabatay iyadoo caafimaad dareemaysay.

Saynab Cali Baxsan oo fanka ku soo biirtay sanadkii 1964-kii, ayaa ka mid ahayd fanaaniinta dhinaca dumarka ah ee ugu horreeyey fanka Soomaaliyeed, waxayna isku waqti ahaayeen Xareedo Ismaaciil Duniya iyo Faadumo Cabdilaahi Maandeeq.

Taariikh kooban oo ku saabsan Marxuumadda

Fanka waxay ku bilawday Askarinimo waxayna ka mid ahayd kooxdii ciidanka xoogga dalka  Soomaaliya1964.

Riwaayaddii u horreysay ee ay wax ka jisho waxa lahaa Axmed Saleebaan Bidde  waana “Alle Aamin ma iisho” oo ay ku jirtay heesta Geeridoontee maanta aan go’o oo uu laxameeyey Maxamed Cige ilbir iyo hees kale oo ay wadaqaadeen Maxamed Yuusuf Cabdi.

Saynab waxay caan ku ahayd heesaha Waddaniga ah, heestii jaceylka ahayd ee u horreysay waxa u dhiibay Maxamuud Ciise Singub ( Cirro iyo Jaceylkii caawey igu kulmeen)

Laba mar oo kala duwan ayaa xilligii dowladdii Milatariga ahayd lagu abaalmariyey Waddanimo .

Riwaayado kala duwan ayey ka qayb-qaatay sida  Garcadaawe iyo Caashaq oo uu lahaa Yuusuf Aadan Alaale waxaana ku jiray heesaha Diiday hay maqashiin iyo Kala hadhimayno.

Riwaayaddii Cismaan Askari ee Wadhaf iyo Shimbiro ayey sidoo kale wax ka jishay, waxayna qayb ka ahayd filimkii Cilmi iyo Caado oo ka hadlayey waxyaabo badan oo ay tahay in laga bedelo dhaqanno gurracan Soomaalidu ku dhaqanto.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka