Wefti Imaaraadka Carabta Ka Socda Oo Socdaal Ku Tagay Israel

Tel viv, (HCTV) – Wefti balaadhan oo ka socda dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta ayaa socdaal ku tagay Israel, waxaanay halkaasi kala kulmeen soo dhaweeyn masuuliyiinta Israeel ay ku qaabileen, maanta oo Salaasa ah.

Raysal Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, Wasiirka Arrimaha Dibada Gabi Ashkenazi iyo Wasiirka Maaliyada Katz at Ben Gurion ayaa Madaarka ku qaabilay weftiga ka socda Imaaraadka Carabta.

Shan saacadood ka hor intii aanay iman weftiga Imaaraadku ayaa loo xidhay Madaarka u dhaw magaalada Tel Aviv, walaac laga qabo coronavirus awgeed, waxaanay Masuuliyiinta Israel ay sheegeen in socdaalkan yimid kadib markii  labada dal ay kala saxeexdeen heshiis ay ku caadiyeynayaan xidhiidhkooda oo uu gadhwadeen ka ahaa Aqalka Cad ee dalka Maraykanku, bishii la soo dhaafay.

Socdaalkan weftiga Imaaraadka Carabtu ay ku tageen Israel ayaa noqonaya mid taariikhiya sida ay sheegeen Masuuliyiinta Israel, hase yeeshee Falastiiniyiinta ayaa iyagu wajigabax iyo foolxumo ku tilmaamay safarka Imaaraadku ku tagay Israel.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.