XALAY: Kulan Dhex Maray Weftiga Madaxweynaha Iyo Waxgaradka Gobolka Togdheer

 Burco (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayay ee ku sugnaa magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco ayaa xalay Guriga Martida, kulan ballaadhan kula yeeshay odayaasha iyo waxgaradka gobolka Togdheer.

Kulankan oo ahaa mid la isku xogwaraystay laguna lafo-guray xaalada guud ee gobolkaas, ayaa waxa hadallo ka soo jeediyey Madax-dhaqameedka, Odayaash iyo Waxgaradka Gobolka Togdheer ee kulanka joogay, waxayna ka warrameen baahiyaha Gobolka ka jira ee u baahan in wax laga qabto,

Odayaasha ayaa Madaxweynaha iyo Weftiga uu hoggaaminayo ka codsaday in wixii baahiyo ah ee Gobolka ka jira wax laga qabto, si loo daboolo baahiyaha aasaasiga ah ee Bulshada ku dhaqanka Gobolkaasi.

Dhanka kale, waxa iyaguna halkaasi hadallo ka soo jeediyey Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee Weftiga ka mid ahaa, iyagoo mid walba uu si gaar ah uga jawaabayey arrimaha khuseeya shaqadiisa, kana warramayey waxyaabaha Wasaaraddiisu ka qabatay Gobolka iyo waxa u qorshaysan.

Madaxweynaha Somaliland ayaa Salaasada Saaka wuxuu Xadhigga ka jarayaa Mashaariic horumarineed oo Dawladdu ka fulisay Magaalada Burco iyo kuwo gaar loo leeyahay, waxaanu u safri doonaa dhinaca Magaalada Oodweyne.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka