15 Qof Oo Ku Dhintay Is-jiidh ka dhacay Goob 3000 Qof Fiiseyaal Ka Dalbanayeen

Afganistan (HCTV) – Ugu yaraan 15 Qof ayaa ku dhintay, in ka badan 10 kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaadhay Is-jiidh ka dhacay Qunsuliyadda Pakistan ku leedahay bariga dalka Afghanistan.

Is-jiidhka ama isbuurashada ayaa timid, markii kumanaan Qof oo reer Afgaanistaan ahi iskugu soo urureen Qunsuliyadda Pakistan ku leedahay Istaadiyam ku yaalla Magaalada Jalalabad, halkaasi oo Qunsuliyaddu ku bixinaysey Fiisooyin, sida ay Masuuliyiintu sheegeen Arbacada Maanta.

Dad badan oo isku dayey inay ka baxaan Garoonka hawshu ka socotay ayaa la jiidhay isla-markaana dhaawacyo soo gaadheen, sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Cisbitaalka Magaalada Jalalabad, Zaher Adel.

Jalalabad waa Caasimadda Gobolka Nangarhar, kaasi oo ku yaalla bariga dalka Afganistan.

Sohrab Qaderi, oo ka mid ah Golaha Deegaanka Magaaladaasi oo laftiisa dhaawac soo gaadhay ayaa sheegay inay Is-buurashada ama is jiidhka ku dhinteen 15 Qof, kuwaasi oo 11 ka mid ahi dumar yihiin, halka ay ku dhaawacmeen illaa 11 Qof oo kale.

Laba kale oo ka mid ah Madaxda Gobolka dhibaatadu ka dhacday ayaa sheegay in Dad lagu qiyaasay 3000 Qof ay isugu soo baxeen Garoonka ay Qunsuliyaddu ku bixinaysay Fiisaha, dhammaantoodna Dadkaasi dalbanayeen Fiise ay ku tagaan dalka Pakistan.

“Saaka, Tobannaan kun Qof ayaa isagaa isugu yimid Garoonka Kubadda Cagta, taasina waxay horseedday Masiibo..” ayuu yidhi, Afhayeen u hadlay Badhasaabka Gobolka dhibaatadu ka dhacday, kaasi oo Magaciisu yahay Attaullah Khogyani

Dhibaatada ayaa dhacday, ka dib markii Qunsuliyadda Pakistan ee dib u furtay bixinta Fiiseyaasha, ka dib 7 bilood oo loo hakiyey Xanuunka Covid_19, taasina waxay keentay in mar keliya Dadku ku kulmaan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka