Taiwan Oo Dacwad Ku Soo Oogtay Nin Amar Ku Bixiyay In La Toogto ‘Budhcad Badeed Soomaali Ah’

Taiwan (HCTV) – Dacwad oogayaasha ku sugan Taiwan ayaa dacwad kusoo oogay kaptan la sheegay in uu amar ku bixiyay in la toogto rag Soomaali ah oo looga shakiyay falal budhcad-badeenimo ah siddeed sano ka hor.

Wang Fenyu wuxuu kaptan ka ahaa doon kalluumeysi oo laga laga leeyahay Taiwan oo sanadkii 2012 -kiimareysay meel u dhaw xeebaha Soomaaliya.

Ninkan ayaa la xidhay bishii August kaddib markii dooni uu waday ay gaadhay dekedda ku taalla Kaohsiung ee Taiwan.

Wararka waxay sheegayaan in calooshood u shaqeystayaal u dhashay Pakistaan oo uu shaqeynayay kaptanka ay toogteen ragga Soomaalida ee lagu tuhusanaa falal budhcad-badeednimo ah kaddib amarka kasoo baxay kaptanka.

Wang wuxuu ku anddacooday in sababta uu amarka ugu bixiyay in la toogto ay aheyd cabsi laga qabo inay baxsadaan isla-markaana ay goobta timaaddo budhcad badeedka kale si ay u afduubtaan markabka.

Warbaahinta Taiwan ayaa ku warrantay in ninkan lagu soo oogay dacwad ah in uu geystay falal dil ah iyo inuu sitay hub isla-markaana uu ku xaadgudbay sharciga adeegsida hubka.

Waxayna dhacdadan soo ifbaxday markii ay soo baxeen muuqaallo lagu qaaday teleefoonka gacanta oo muujinayaa afarta qof ee Soomaalida ah oo lagu dhex tooganayo badda xilli ay ku sugnaayeen goob boqolaal kiiloomiitar u jirta xeebaha Soomaaliya.

Kooxaha u doodo xuquuqul insaanka ayaa sanado badan ka cabanayay in dhacdadan ay muujineyso kala danbeyn la’aan ka jirto xeebaha iyo in la xakameyn la’yahay doonyaha laga leeyahay Taiwan ee sida sharci darrada uga kalluumeysto xeebaha Soomaaliya.

Sanadkii 2012-kii, waxaa sare u kacay weerarada kooxaha budhcad-badeeda ay ka fuliyaan xeebaha Soomaaliya, waxay qabsadeen dhowr maraakiib ah si madax furasho loo siiyo.

Waxaana xeebaha ka socday howlgallo ay wadaan ciidammada waddammada reer galbeedka si looga hortaggo weerarad budhcad-badeeda. Balse haatan waxaa joogsaday weeraradii ay burcad badeeda ka geysan jireen xeebaha Soomaaliya.

 

Horn Cable Tv
Waaxda ONLINE-ka