Dibed-baxyo Ka Dhacay Magaalooyin Somaliland Ka Mid Ah

Dibed-baxyo Ka Dhacay Magaalooyin Somaliland Ka Mid Ah

Waa Sidee Xaalad Caafimaad Ee Maryan Mursal Ciise Oo Jiifta Cisbitaal Hargeysa Ku Yaalla ?
Maqaal: Doorkii Ay Gashaantidu Ku Lahayd Dhaqanka Soomaalida !!
Maxaa Lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Ee Maanta ?
Nin Shacab Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Laascaanood
Somaliland: Tirada Dadka Laga Helay Covid_19 Oo Gaadhay 504 Qof

Hargeysa (HCTV) – Magaalada Hargeysa waxa Maanta ka dhacay Dibed-bax ay dhigeen Dad u badan haween.

Haweenka ayaa dibed-baxan ku muujinayey siday uga soo horjeedaan Xukun ay sheegeen inaanu Caddaalad ahayn oo Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ka soo saartay dacwad loo haysta 7 wiil oo dhallinyaro ah oo ku eedaysan inay kufsadeen gabadh yar oo ka mid ah Carruurta lagu hayo xarunta Agoomaha ee Magaalada Hargeysa ee Dawladdu maamusho, taasi oo Magaceedu yahay Cawo Xariir Raage.

Maxkamadda ayaa toddobaadkii hore waxay 2 ka mid ah dhallinyarada kufsiga ku eedaysan ku xukuntay min 3 sanadood oo xadhig ah – halka ay 5-tii wiil ee kale ku xukuntay xadhig dhan min 6 bilood – laakiin ay dibedda joogayaan oo aan la xidhayn,  laakiin ehelada Cawo Xariir iyo dadkan dibedda baxa sameeyay ayaan ku qancin isla-markaana u arka xukun aan caddaalad ahayn, aadna uga hoosèeya ciqaabtii ay ahayd inay maraan dhallinyarada ku eedaysan kufsiga Cawo Xariir Raage.

Haweenka dibed-baxa dhigay oo sitay boodhadh isla-markaana la hadlay Warbaahinta ayaa codsaday inay Cawo hesho Caddaalad – dhallinyarada faro-xumeeyayna ciqaabta ay mudan yihiin la mariyo.

Waxay Madaxweynaha iyo Laamaha Dawladda ee arrintani khusayso ka codsadeen in kiiska Cawo si wanaagsan loo baadho – Wiilasha ku eedaysan kufsigeedana la mariyo Ciqaab adag – si ay dadka geysta falalka noocaas ah Tusaale ugu noqoto.

Sidaasi oo kale – degmada Qori-lugud ee Gobolka Buuhoodle ee Somaliland waxa Maanta ka dhacay Dibed-bax la mid ah ka Hargeysa.

Cawo Xariir oo la sheegay inay qabto dhanka Maskax ah ayaa ka mid ah ubadka lagu hayo xarunta Agoomaha Hargeysa oo Dawladdu Maamusho.

Cawo hooyadeed ayaa xanuunsanaysa, halka Aabaheed Xariir Raage uu laxaadka indhaha la’yahay, wallow dhawaan il loo jeexay, sababtaasina waata Cawo iyo Walaasheed loo geeyay xarunta lagu dhibaateeyay ee Agoomaha Hargeysa.

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka

 

COMMENTS

%d bloggers like this: