Itoobiya Oo Hawl-gelinaysa Ciidammadeeda Badda (Akhri)

Addis Ababa (HCTV) – Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay hawl-gelinayso Ciidammadeeda badda.
Sidaana waxa sheegay Taliyaha guud ee Ciidammada Miletariga Dawladda Federaalka Itoobiya Aadam Maxamed.

Waxa kale oo uu Taliyuhu in Ciidammada Itoobiya lagu soo kordhiyey laba Guuto oo cusub oo uu sheegay inay ka shaqayn doonaan Rabshadaha kala duwan markay dhacaan.

 

Dawladda Itoobiya ayaa waxa Tababbarka Ciidammada badda ka taageeraya Dawladda Faransiiska, taasi oo dabcan siinaysa ama ka iibinaysa Maraakiib ay Ciidammadaasi ku hawl-galaan.

 

Illaa hadda lama oga Waddanka ay fadhiisinka ka dhiganayaan Ciidammada badda ee Itoobiya. Laakiin waxay Itoobiya xidhiidh dublamaasiyadeed la leedahay dalalka Jabuuti – Soomaaliya iyo Erateriya oo dhammaantood deris la ah isla-markaana leh bad.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-KA