Qalalaasaha Nigeria: Rasaas Xoogle Oo Laga Maqlay Lagos Kadib Markii Koox HubaysanI Ay Weerartay Meel Dad Lagu Xidhxidhay

Lagos, (HCTV) – Rasaas xoogle ayaa ka dhacday xaafada Ikoyi ee magaalo ganacsiyeedka Nigeria ee Lagos maalinimadii khamiista maanta iyadoo goobjoogayaal ay sheegeen in weerarka lagu soo qaaday goob dad lagu hayey oo ku taal aagga ay ku yaallaan xafiisyada dowladda.
Qiiq ayaa sidoo kale la arkay isagoo ka soo baxaya jihada xarunta dhaqan celinta ee Ikoyi, gawaadhida xamuulka qaada oo ay la socdaan booliska ayaa la arkayay iyagoo ku sii jeeda xabsiga. Burburka daraasiin gawaadhida qashinka ee lagu nadiifiyo xaafadda Ikoyi iyo laba dhisme oo ayaa gubtay.


“Xabsiga Ikoyi waxaa inta badan ku hareeraysan dhismayaasha dowladda iyo xarumaha amniga. Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkeen niman ku hubeysan budad ka dibna rasaas ayaa la maqlay dabkii iyo qiiqiina goor dambe ayaa la arkay, ”ayuu yidhi Ahmed Idris oo ka tirsan Al Jazeera, oo ka soo waramaya caasimada Abuja.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.