Raysal Wasaare Ku Xigeenkii Hore Ee Soomaaliya Oo Maanta Yimid Hargeysa Kadib Markii Madaxweynaha Somaliland Cafiyey

Hargeysa, (HCTV) – Raysal Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa maanta yimi magaalada Hargeysa kadib markii uu cafis u fidyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Maxamed Cumar Carte oo maanta uu la kulmay HCTV ayaa sheegay inaanu diyaar u ahayn xiligan inuu Warbaahinta la hadlo, waxaanay wararku sheegayaan in ujeedada Maxamed Cumar Carte uu u yimid Hargeysa ay tahay Aabihii Cumar Carte Qaalib oo Hargeysa ku xanuunsanaya.

Hase yeeshee Qoraalka Madaxweynaha Somaliland uu ku cafiyay siyaasigan xilka Raysal Wasaare ku xigeenka hore uga soo qabtay Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu ka laabtay fikirkiisii hore, inkasta oo aanu Maxamed Cumar Carte wali caddayn inuu fikirkaasi ka laabtay iyo in kale.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.