Itoobiya: 27 Ruux Oo Lagu Dilay Xuduudka Soomaalida & Canfartu

Itoobiya (HCTV) – Dagaal  dhexmaray labada Qowmiyadood ee Canfarta iyo Soomaalida ayaa lagu warramayaa in lagu dilay 27 ruux, sida lagu sheegay War ka soo  Dowladda Itoobiya.

Dagaalka labada Qowmiyiadood ayaa salka ku haya muran dhinaca xuduudaha oo muddo dheerba soo jiitamayay, iyadoo marar badan oo hore sidan oo kale dagaalo uga dhaceen xadka labada dhinaca Ismaamul.

”27-ka ayaa loo dilay sababo la xidhiidha isku dhacyo ka dhacay xuduudaha Soomaalida iyo Canfarta”, ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Xukuumadda Itoobiya Shalay.

Cali Beddel oo ah Afhayeen u hadlay deegaanka Soomaalida ayaa xaqiijiyay dilkan wuxuuna eedeyn dusha uga tuuray maleeshiyada ka soo jeeda deegaanka Canfarta ‘Maleeshiyada maxalliga ah ee ka soo jeeda Canfarta ayaa ka dambeeyay dilka,” ayuu u sheegay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Rabshado is daba-joog ah oo goos goos ah ayaa ruxay Itoobiya tan iyo markii ra’iisal wasaare Abiy Ahmed uu xukunka qabtay 2018.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka