USA: Covid_19 Oo Ku Dhacay 9 Milyan Iyo Dhimashada Oo Maraysa 229,000 Kun

USA (HCTV) – Iyadoo Maraykanku ku jiro gebogabado Ololaha doorashada Madaxtinimada, ayaa Sharci-sameeyayaasha Gobollada Dalkaasi isku dayayaan inay xakeemaayaan Faafidda Cudurka Covid_19, kaasi oo toddobaadydii u dambeeyay faafiddiisu aad sare ugu kacday.

Gudaha Maraykanka, Tirada Dadka uu ku dhacay Xanuunka Covid_19 ayaa dhaaftay 9 Million, sida ay Jimcihii lagu sheegay Tiro-koobka Maalinlaha ah ee Jaamicadda Johns Hopkins Universit, halka tirada Dhimashadu marayso 229,000 Maraykanka oo keliya.

Maraykanku waxa kale oo uu sheegay In khamiistii oo keliya uu Xanuunka Covid_19 uu soo ritay  91,248, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters, taasina waa Xaaladdii ugu deg-degga badnayd ee la xidhiidha Faafidda Xanuunka Covid_19.

Kor u kaca Faafidda Xanuunka Covid_19 ayaa la filayaa inay hoos u dhigto Tirada Dadka u soo baxaya Cod-bixinta doorashada Madaxtooyada.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka