Dekedda Berbera Oo Meesha Ka Saaraysa Kootadii Jabuuti Ku Haysatay Alaabooyinka Itoobiya U Socda

Berbera (HCTV) – Dekedda Somaliland ee Berbera ayaa door-bidaysa inay Tartan la gasho Dekedaha Jabuuti, marka bisha January ee sannadka 2021 la dhamaystiro ballaadhinta lagu samaynayo.

Shirkadda DP WORLD ayaa Dekedda Berbera wejiga koowaad ku Maalgelisay $120 Million, waxaana lagu kordhiyey Dekedda 400 Meter oo loogu Talo-galay inay ka soo degaan Koontiinarradu, taasi oo marka la dhamaystiro la tartami doonta Jabuuti.

DP World waxay sheegtay in Dekedda Berbera u taagan tahay Marin Ganacsi oo Waraabinaya Geeska Afrika, waxaana ballaadhinta lagu sameeyay ka dhigan tahay Albaab cusub oo bariga Afrika u furmay iyo Horumar dhaqaale oo ay gaadhay Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhamaystirka Dekedda Berbera iyo dhismaha Waddada u dhaxaysa Berbera iyo Wajaale oo Dhaqaalaha ku baxaya ay bixiyeen Dawladaha Imaaraadka iyo Boqortooyada Ingiriiska, ayaa 30% hoos u dhigi doonta Alaabooyinka Itoobiya kala soo degto Dekedda Jabuuti, sida uu dhigayo heshiis ay Itoobiya iyo Somaliland wada gaadheen 2016, agabkaasi oo dabcan Dawladda Somaliland Dekedda Berbera uga daabuli doonto Itoobiya.

Sidoo kale, Dawladda Maraykanka ayaa kormeeraysa kaabayaasha Horumarineed ee Dekedda iyo Magaalada Berbera, iyadoo door-bidaysa Saldhig Milletari, maaddaama oo laga cabsi qabo Awoodda Ciidan ee sii kordhaysa Shiinaha oo Saldhig ku leh Jabuuti, taas ayaana Somaliland ka dhigaysa Aktarta siyaasadda ee Gobolka, sida uu Maanta qoray Wargeyska Bussines Week oo uu soo xigtay Telefiishanka Horn Cable.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLNE-ka