Guddoomiyaha UCID Oo Sheegay Inay Gacan Ku Yeelanayaan Doorashada Soomaaliya

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inay doonayaan inay Gacan ku yeeshaan Doorashada Soomaaliya, si buu yidhi uu uga soo baxo Madaxweyne Dadka Soomaaliyana u wanaagsan, Somaliland-na aan cadow ku ahayn.

Guddoomiyaha UCID oo ka qayb-galay Munaasibad Hargeysa lagu qabtay ayaa sidoo kale ka jawaabay eedaymo uu Wasiirka Arrimaha guduhu ugu jeediyey Shir uu kaga qayb-galay Magaalada Nairobi, kaasi oo ay qabsadeen Siyaasiyiin iyo Waxgarad ka soo jeeda Beelaha Dir isla-markaana lagaga hadlayey Doorashada Soomaaliya.

Faysal oo ugu horrayn ka hadlaya Shirka Beelaha Dir ee uu Nairobi kaga qayb-galay ayaa yidhi “Waxaanu ka qayb-galnay shir-beeleed la yidhaahdo Dir, si aanu waxaa (Soomaaliya) iskaga moosno, 75 Cod bay leeyihiin (Beelaha Dir) oo aanu 75-kaa nidhaahdo Ciddii khayr qabta u codeeya (Marka la dooranayo Madaxweynaha Soomaaliya), Shaqadii Dawladda (Somaliland) ayaanu qabanay oo aanu Laba Toddobaad iskaga dab-qaadayey Imaaraadka iyo Nairobi.”

Faysal wuxuu u jawaabay Wasiirka Arrimaha gudaha oo Doraad sheegay inay hubinayaan in Faysal Cali Siyaasiyiinta kale ee reer Somaliland ee Nairobi kaga qayb-galay Shirka Arrimaha Soomaaliya laga hadlay inay u go’aan dhinaca Soomaaliya iyo in kale “Maanta waxa la ii sheegayey kii aan shaqadiisa hayey Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa Aniga i naqdiyaya, Somaliland ku burburi mayso Faysal Cali Waraabe ayaa shirka Dirka ka qayb-galay ee Somaliland hoggaan xumo ayay ku burburaysaa, Somaliland waxay ku burburaysaa, yaa Maanta Dalka Xukuma oo yaa gacanta leh, sidii Gorayada haddaad Madaxa Ciidda gashataan socon mayso.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in aan Somaliland sugayn inta loo tashanayo isla-markaana ay gacan ku yeelanayso Doorashada Soomaaliya “Inta laguu soo tashanayo miyaad yuururaysaa?, waa inaad weerarka ku horraysaa, waanu weerarraynaa haddii Allaah yidhaahdo, Gacan baanu ku yeelanaynaa (Doorashada Soomaaliya), Qof iyagana u wanaagsan, innagana aan Cadow innagu ahayn ayaanu ka shaqaynaynaa inuu soo baxo.”

Guddoomiyaha Xisbiga UCID wuxuu sheegay inay Somaliland u hiilinayso USC “USC way inoo hiilisay, Maantana waanu u hiilinaynaa, Waayo? Maanta waalla haystaa, markaa waanu u hiilinaynaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu farriin u diray Wasiir Maxamed Kaahin Axmed “Kaahin waxaan leeyahay amniga arrimaha gudaha ku ekoow, Anigu waxaan ahay Nin Xisbi Madax u ah, siyaasaddayda xor baan u ahay.”

Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu sheegay inay Xisbiyada Mucaaradka ahi ay go’aansadeen inay la shaqeeyaan Xukuumadda, ka dib markii ay arkeen sida ay wax u socdaan, laakiin taas aanay Macnaheedu ahayn in la iibsaday “Markaan aragnay siday Arrimuhu u socdaan dalkan waanu ka ilaalinay Yooyootan, waxaanu go’aansanay inaanu ka hawl-galo sidii doorashada loo qaban lahaa, Shisheeyaha aanu iska celino, khilaafkii gudaha aanu iska joojino, laakiin waxaanu gaadhnay in la yidhaahdo labadii Guddoomiye waalla iibsaday oo waxay la saaxiibeen Muuse, waar markaanu la shaqaynay ee aanu tiisii ogolaanay iyo in doorasho dhacdo, haddana aanu Cadowgii ku duulnay, inuu annaga na aflagaadeeyo ma xaq buu u leeyahay..”ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka