Ballan-qaadyada Madaxweynaha La Doortay Ee Maraykanka

USA (HCTV) – Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Joe Biden ayaa ka hadlay guushii uu ka gaadhay doorashadii dalkiisa ka dhacday Salaasadii la soo dhaafay.

Biden ayaa sheegay in la joogo “wakhtigii la bogsiin lahaa” America, waxaanu khudbaddiisii ugu horraysay ku ballanqaaday “inaanu kala qaybin dalka, laakiin uu midayn doono “Midba ka kale fursad aynu siino,” ayuu yidhi Mr Biden, isaga oo la hadlaya dadkii ka codeeyay ee ka soo horjeeday.

Mr. Biden ayaa ka adkaaday Madaxweynaha xilka haya ee Donald Trump ka dib markii la tiriyey codadkii la dhiibtay doorashadii Salaasadii.

Mr. Trump weli qirasho ma samaynin, kamana uu hadal meel fagaare ah tan iyo markii guuldarradiisa lagu dhawaaqay intii uu ciyaarayay golfka.

Natiijada ayaa ka dhigaysa Mr Trump inuu noqdo Madaxweynihii ugu horreeyay ee hal mar ah tan iyo 1990-yadii. Kooxdiisa alolaha ayaa geeyay dacwado aad u tiro badan gobollada kala duwan, laakiin saraakiisha doorashada ayaa sheegaya in ayna jirin caddeyn muujineysa in codadka lagu shubtay.

Dabaal-degyo lama filaan ah ayaa ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee Maraykanka, ka dib markii warbaahinta ay shaacisay guushii Mr Biden Sabtidii Shalay.

Taageerayaasha Trump oo ka cadheysan natiijada ayaa la isugu soo baxay magaalooyinka qaar, laakiin ma jirin wax warbixino ah oo ku saabsan falal dhacay.

Madaxweynaha la doortay Joe Biden ayaa sheegay “Waa inaan joojinnaa inaan kuwa inaga aragti duwan ula dhaqanno cadaw ahaan..” ayuu yidhi.

Isaga oo la hadlaya taageerayaashiisa oo ku faraxsan kuna goob baabuurta la dhigto ee ku taal magaalada uu ku dhashay ee Wilmington, Delaware, Mr Biden wuxuu yidhi: “Waxaan ballan qaadayaa in aanan noqon Madaxweyne doonaya in la kala qaybsamo, laakiin aan mideeyo; Mareykanka. “

Mr. Biden oo ilaa iyo hadda ku guuleystey in ka badan 74 milyan oo cod, oo ah tii ugu badneyd ee abid loo qaado murashax madaxweyne ee Mareykanka – wuxuu bogaadiyey taageerayaasha “kala duwan” ee uu soo uruuriyey intii uu ololaha socday, laakiin wuxuu sidoo kale si toos ah ula xidhiidhay taageerayaasha Trump “Waxaa la joogaa wakhtigii la iska dhaafi lahaa hadallada xanafta leh, heer-kulka hoos loo dhigi lahaa, dib la isu arki lahaa, markale la is dhageysan lahaa, si aan horumar u gaadhno, waa inaan joojino inaan kuwa naga soo horjeeda ula dhaqanno sidii cadaw.”

Mr. Biden wuxuu noqonayaa 78 jir markuu xilka qabto, isagoo ka dhigan Madaxweynihii ugu da’da weynaa ee markii ugu horreysay taariikhda Mareykanka soo mara.

Joe Biden ayaa Madaxweyne ku-xigeen u ahaa Barack Obama 8-dii sanadood ee uu xilka Madaxweyne-nimo ee Maraykanka hayey.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka