“Go’aanka Lagu Joojiyey Gaadiidka Vitz-tu Waa Axmaqnimo..” WADDANI

Hargeysa (HCTV) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADSANI ayaa Axmaqnimo ku tilmaamay Go’aan Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi soo saartay, kaasi oo lagu joojiyey gaadiidka yaryar ee Vitz-ta ama Tukhaanka in dalka la keeno.

Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa Fadhigii Khamiistii la soo dhaafay ku go’aamiyey inaan dalka la keenin Gaadiidka yaryar ee Loo yaqaano Tukhaanka – kuwaasi oo dad aad u faro badan shaqo abuur ka dhigteen isla-markaana noloshoody ku dabbaraan.

Xoghayaha Shaqada iyo Shaqaalaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in go’aankaasi yahay mid axmaqnimo ah isla-markaana aan laga fiirsan – maaddaama oo gaadiidka Dawladdu doonayso in la joojiyaa yihiin kuwo ay nolol ahaan ku tiirsan yihiin dad badan oo reer Somaliland ah.

Warkaasi oo faahfaahsan halkan hoose Ka Daawo

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-KA