Wargeys War-bixin Dheer Ka Qoray Maalgelinta Shirkadda Trafigura Ku Samaynayso Somaliland

Hargeysa (HCTV) – Wargeyska African business magazine ayaa War-bixin dheer ka qoray Shirkadda Trafigura oo Xukuumadda Somaliland heshiis kula gashay inay Somaliland u soo waarido Shidaalka isla-markaana Ballaadhin ku samayso Haamaha Kaydka shidaalka ee Berbera.

Madaxa shirkadda Trafigura ee Afrika James Josling ayaa sheegay in sababaha ay Somaliland u maalgashanayaan tahay inay tahay Dal si iskii ah isku wada “Somaliland iyadaa iskeed u xaqiijisay inay sanado badan ahaato Nabadgalyo iyo Dimuqraadi taasi oo dhaqaaluhuna la korayo..” ayuu Madaxa Shirkadda Trafigura ee Afrika James Josling oo uu soo xigtay Wargeyksa African business magazine, waxaanu intaa ku daray in suuqa Ganacsi ee Bariga Afrika oo Somaliland ka mid tahay uu yahay mid wanaagsan oo shirkad ay xiisanayaan.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Maalgeshiga iyo dalxiisa ee Somaliland Md. Maxamuud Xasan Sacad (Saajin)oo isagana uu Wargeysku soo xigtay ayaa sheegay inay Dawlad ahaan ku faraxsan yihiin inay la shaqeeyaan Shirkad Caalami ah sida Trafigura “Waxaan ku faraxsanahay inaan la shaqeyno shirkad Madax-banaan oo shirkad caalami ah sida Trafigura, si loo hagaajiyo tayada iyo kalsoonida lagu qabo batroolka la sifeeyay ee dalka la keeno..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey inay daah-furnaan doonto Shaqada Trafigura iy Xukuumadda Somaliland “Marka aanu la shaqeyno Trafigura, waxaa jiri doona daah-furnaan iyo tartan..”

Wargeysku wuxuu sheegay inaan illaa hadda la garanayn Qiimaha uu ku kacayo Maalgelinta Shirkadda Trafigura ku samaynayso Somaliland, taasi oo ay qayb ka tahay Casriyeyn iyo ballaadhin ay ku samaynayso Haamaha Kaydka Shidaalka, Keenista Gaasta iyo shidaalka Diyaaradaha, si u dabbartu suuqa Maxaliga ah ee Somaliland iyo ka Gobolka.

“Somaliland oo dadkeeda lagu Qiyaaso 3.5 Million waxay haysataa Amni, laakiin waxa ka jirta Saboolnimo iyo Dhaqaale xumo..” ayuu yidhi Wargeysku, waxaanu sheegay GDP-ga sannadkii 2019-kii uu ahaa 2 Billion, taasi oo ka dhigan in dhaqaale ahaan ay Somaliland ka hooseeyaan South Sudan, Eritrea iyo Burundi.

Wargeysku wuxuu sheegay in Maalgelinta aan la ogayn waxay ku kacayso ay ka horraysey Shirkadda DP World oo Dekedda Berbera ku Maalgelisay Adduun Lacageed oo gaadhaya $442 Million.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka