Guddoomiye Ku Xigeenka 2-Aad Ee Xisbiga KULMIYE Oo Xilalkii U Kala Wareejiyey Xoghayihii Hore Iyo Xoghayaha Cusub

Hargeysa, (HCTV) – Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi  Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), ayaa maanta xilalkii u kala wareejiyey xogyhayihii guud ee hore ee xisbiga, Mudane Xasan Siciid Yuusuf iyo xogyaha cusub ee dhawwaan la magacaabay, Mudane Ibraahim Axmed Raabbi.

Munaasibadda xil-wareejinta labada masuul oo lagu qabtay xarunta guud ee xisbiga KULMIYE, ayaa waxa ka qayb-galay xubno kamid ah hoggaanka xisbiga KULMIYE, madaxda garabbada haweenka iyo dhallinyarada ee xisbiga, siyaasiyiin, qaar kamid ah haween weynaha xisbiga iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu sagootinayo xogyihii hore, islamarkaana lagu soo dhaweynayo xoghayaha cusub ee uu dhawaan magacaabay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.

Ugu horrayn wasiirkii hore ee caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, kana mid ah xubnaha xisbiga KULMIYE, Mudane Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo munaasibadda hadal kooban ka jeediyey, ayaa xisbiga KULMIYE ku ammaanay Dimuqraaddiyadda iyo sida niyadsamida leh ee  madaxdiisu xilalka isugu wareejiso, waxana uu ammaan u jeediyey xoghayihii hore, isaga oo xoghayaha cusubna soo dhaweeyey.

Guddoomiyaha garabka haweenka, Marwo Dallays Shire Faarax iyo guddoomiyaha garabka dhallinyarada xisbiga KULMIYE, Mudane Najax Siyaad Aw Cabdi oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa sagootiyey xoghayihii hore ee xisbiga, waxana ay ku dheeraadeen sidii daacadnimada lahayd ee uu xisbiga ugu soo shaqeeyey muddadii uu xilka hayey, iyaga oo sidoo kalena caddeeyey inay si dhaw ula shaqayn doonaan xoghayaha haatan xilka la wareegay.

Xoghayihii hore ee xisbiga KULMIYE, Mudane Xasan Siciid Yuusuf, ayaa ugu horrayn u mahadnaqay hoggaanka kala duwan ee xisbiga KULMIYE,  haweenka iyo taageerayaasha kala duwan ee xisbiga, waxana  uu caddeeyey inuu si hufan oo daacadnimo ku dheehan tahay xisbiga ugu soo shaqeeyey, islamarkaana uu tacab badan geliyey  dhismaha xisbiga KULMIYE.

Mudane Xasan Siciid Yuusuf, waxa uu sheegay inuu yahay xisbiyahan mabda’ ahaan u aaminsan xisbiga KULMIYE, islamarkaana kasii shaqayn doono sidii uu xisbigu guulo kale u gaadhi lahaa, isaga oo shaaciyey inuu taladiisa iyo khibraddiisaba la garab geli doono  masuulka cusub ee xilka kala wareegay.

Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE, Mudane Ibraahim Axmed Raabbi  oo khudbad kooban halkaas ka jeediyey, ayaa  hoosta ka xarriiqay inuu hufnaan shaqo iyo xilkasnimo ku daah-furi doono  shaqada uu xisbigu u igmaday, waxana uu taageerayaasha iyo masuuliyiinta kala duwan ee xisbigaba u ballan-qaaday in wada-jir loo gaadhi doono yoolalka xisbiga, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Maadaama oo aan xilkii la wareegayo waxan idiin ballan-qaadayaa shaqo-wanaag iyo inaan si kal iyo laab ah inoogu shaqeeyo oo aynu u wada shaqayno, waxan ballan-qaadayaa inuu xafiiskani noqdo mid markasta soo jeeda oo idiin furan oo xoojiya isku-xidhnaantiinna, haddii ay noqoto gudaha, heer gobol, heer degmo ilaa iyo heer tuulo.”

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi-dheere oo ka hor intii aanu xilka u kala wareejin labada masuul halkaas ka jeediyey hadal kooban, ayaa bogaadiyey shaqadii uu xisbiga usoo qabtay xoghayihii hore ee xisbiga KULMIYE, Mudane  Xasan Siciid Yuusuf, waxana uu tilmaamay inuu xisbiga KULMIYE  dhaqan u leeyahay Dimuqraaddiyadda iyo niyadsamida xilalka la isugu wareejiyo, waxana uu yidhi, “Laba guddoomiye oo isku wareejiyo, laba guddoomiye-ku-xigeen oo isku wareejiya iyo laba xoghaye oo isku wareejiya, intuba waxay ka dhacday xisbiga KULMIYE gudihiisa, guddoomiyeyaashii sidii ay isugu wareejiyeen xaflad bay ahayd, maantana ta inoogu xigtaa waa labadii xoghaye guud oo labaduba horteena wada fadhiya, aad iyo aadna waan ugu faraxsanahay  inaan taas oo kale aragno, dalkeennuna uu sidaas ku socdo.”

Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Xuseen Aadan-cadde, ayaa shahaado-sharaf guddoonsiiyey xoghayihii guud ee hore ee xisbiga KULMIYE, Mudane Xasan Siciid Yuusuf, waxana  labada masuul si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyey guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere).