Modowga Afrika Oo Ka Hadlay Dagaalka Ka Socda Waqooyiha Itoobiya

Addis Ababa (HCTV) – Midowga Afrika ayaa ku baaqay in xabad joojin lagaga dhawaaqo gobolka Tigray halkaas oo ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka ku dagaallamayay muddo ku dhaw toddobaad.

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaallamaya Itoobiya in wadahadal lagu soo afjaro colaadda.

Wuxuu sheegay in Midowga Afrika uu u diyaar yahay dadaall kasta oo lagu xallinayo khilaafka.

Warbaahinta dowladda Itoobiya waxay ku warrantay in ciidamada federaalka ay qabsadeen garoonka diyaaradaha ee ku yaalla magaalada waqooyiga dhacda ee Humera iyo sidoo kale waddada tagta dhinac xadka Suudaan.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed wuxuu sheegay in howgalka militeri uu u sii socon doono qaabkii loo qorsheeyey tan iyo inta hub ka dhigis lagu sameynayo dagaalyahanada daacadda u ah TPLF.

Horn Cable Tv

WAAXDA ONLINE-KA