Xulka Gobolka Gabiley Oo U Gudbay Afar Dhamaadka Markii 3 Iyo 1 Ay Kaga Badiyeen Xaysimo

Hargeysa, (HCTV Sports) – Ciyaar qurux badan oo xulalka Gobololada Gabiley iyo Xaysimo ku dhexmartay Garoonka Kubadda Cagta ee Hargeysa Stadium oo ay ka socdaan ciyaaraha gobolada Jamhuuriyada Somaliland, ayaa xulka Gobolka Gabiley waxa ay Xulka Xaysimo kaga badiyeen 3 Gool iyo 1 gool.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa goolkii 1aad waxa u saxeexay xulka gobolka Gabiley Ciyaar yahanka la baxay Miisi oo ku hubsaday shabaga xulka Xaysimmo.

Hase yeeshee markii qaybtii hore ay ku dhamaatay hal gool iyo waxba ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta markii la isku soo noqday xulka haysimo ay garoonka la soo galeen weerar iyo kubadd isku dhiib aad u qurux badan waxaana u suuragashay in goolkooodii 1aad ee barbaraha uu u dhaliyo xidiga Bashiir, Bashka markii ciyaartu maraysay 47daqiiqo ee laga soo noqday qaybtii hore.

Balse xulka gobolka Gabiley ayaa ka diiday in ciyaartu barbaro ahaato waxaana ciyaaryahanka Axmed Hindi uu gobolka Gabiley u xaqiijiyey goolkoodii 1aad.

Inkastoo ciyaaryahanada gobolka Xaysimo ay furasado badan heleen oo ay gool ku dhalin karayeen hadana umay suuragalin in ay gool labaad dhashadaan, taa badalkeedana ciyaartoyga gobolka Gabiley oo ka faa’iidaystay kubadd Contra attack ahayd ayaa goolkii 3aad ku hubsaday Shabaqa gobolka Xaysimmo, goolkaasi oo uu dhaliyey Ganto.

Ciyaartuna waxa ay ku dhammaatay 4 Iyo 0 uu ku badiyey Gobolka Gabiley, waxaanu sidaasi ugu gudbay wareega Simi Finalka ama Afar dhamaadka, oo ay hore u sii joogeen xulalka gobolada Maroodi-Jeex, Hawd iyo Dhaad-Madheedh.

Waxaana la filayaa in ciyaartooda dambe xulka Gobolka Gabiley ay is-haleelaan xulka gobolka Hawd.