Baarlamaanka Ethiopia Oo Tigrayga U Magacaabay Hoggaamiye Cusub, Xili Amnesty Ku Warantay Xasuuq Dhacay

Addis Ababa, (HCTV) – Baarlamaanka dalka Ethiopia ayaa hoggaamiye cusub u magacaabay gobolak Tigrayga ee dalka Ethiopia, sida uu sheegay Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia, balse koox xuquuqal Insaanka ka shaqaysa ayaa sheegtay in xasuuq dhacay oo tiro badan oo shacab ah lagu laayey dagaalka.

Hoggaamiyahan cusub ee Tigrayga loo magacaabay ayuu Raysal Wasaare Abiy Ahmed uu ku sheegay magaciisu inuu yahay Dr Mulu Nega, kaas oo noqon doona Gudoomiyaha Golaha Gulinta ee gobolka Tigrayga, sida uu jimcihii maanta uu Twitter-ka ku soo qoray Raysal Wasaaruhu.