Somali News

Ciidamada Gobolka Tigrayga Oo Gantaalo Ku Duqeeyey Eritrea

By Ahmed Cige

November 14, 2020

Asmara, (HCTV) – Ciidamada gobolka Tigrayga ee dalka Ethiopia ayaa caawa fiidkii saddex gantaal ku duqeeyey caasimada dalka Eritrea ee Asmara.

Meelaha ay gantaaladani ku dhaceen ayaa waxa ka mid ah dhismaha Wasaarada Warfaafinta Eritrea, Madaar iyo dhisme weyn oo dad badan ay degenaayeen.

Hase yeeshee ilaa iyo hadda lama soo sheegin khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee gantaaladaasi ay gaysteen, balse Weerarkan ayaa daba socday kadib markii war laga baahiyey maanta Telefishanka Tigrayga sabtidii shalay lagu sheegay in Eritrea ay ka mid tahay meelaha ay Tigraygu bartilmaameedsanayaan, sidoo kalena ay jiraan bartilmaameedyo kale oo gantaalo lagu garaacay oo ku yaala gudaha Ethiopia gaar ahaana gobolka Amxaarada.

Ilo wareedo ku dhaw dawlada Eritrea ayaa xaqiijiyey in gantaalo lagu soo ganay Asmara, balse waxay beeniyaan in Caasimada la duqeeyey, iyagoo sheegay in ay ku dhaceen dhulka miyiga ah.

Dadka siyaasada faaqida ayaa tilmaamaya in Tigraygu ay hub culus ay ka qabsadeen Taliska Waqooyiga eek u yaalay Caasimada Tigrayga ee Mekelle, markii uu dagaalku bilaabmay toban cisho ka hor.