MAALI: Faransiiska Oo Khaarajiyey Taliyihii Koox Xidhiidh La Leh Al-qaacida

Mali (HCTV) – Faransiiska ayaa Jimcihii Shalay ku dhawaaqay in Ciidammadiisa la dagalaanka Xagjirku ay Waddanka Maalin ku dileen Taliyaha Koox Al-qaacida xidhiidh la leh oo Weerarro ka geysta Gobolkaasi.

Dilka Ba Ag Moussa ayaa ku soo beegmay 5 sano guurada ka soo wareegtay Weerarro Argagixiso oo 13-kii November, 2015 lagu qaaday Magaalada Paris, kuwaasi oo kala ah Nin Hubaysan iyo Rag Is soo miidaamiyey Geysteen.

Wasiirka Difaaca ee Faransiiska Florence Parly ayaa sheegay in hawl-galka lagu dilay Ba Ag Moussa ayaa ay ka qayb-qaateen diyaaraha Qumaatiga u kaca iyo Ciidammada dhulka, aakhirkiina lagu khaarajiyey Ba Ag Moussa ooTaliye u ahaa koox lagu Magacaabo (GSIM) ama kooxda Taageerta Islaamka iyo Muslimiinta.

Ag Moussa ayaa la rumaysan yahay inuu masuul ka ahaa weerarro laga fuliyey gudaha Maali iyo kuwo lagu qaaday Ciidammada Caalamiga ah ee Maali ku sugan, sida kuwa Faransiiska.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka