Togdheer: Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhalatay Miino Bas La Kacday

Hargeysa (HCTV) – Inta la ogyahay Hal Qof ayaa ku dhintay, laba kalena way ku dhaawacmeen Gaadhi Bas ah oo Miino kula Qaraxday duleedka Degmada Balli-dhiig ee Gobolka Togdheer.

Gaadhiga Baska ah oo siday Rakaab ayaa Miino kula kacday duleedka Degmada Balli-dhiig, waxaana halkaa ku Geeriyooday Hal Qof, halka laba kalena ku dhaawacmeen, sida uu Telefiishanka HCTV u xaqiijiyey Guddoomiyaha Degmada Balli-dhiig ee Gobolka Togdheer ee Somaliland.

Miinada ayaa sidoo kale burburisay gaadhi Baska ah ee Dadku ku dhinteen, sida ka muuqata Sawirrada, taasi oo muujinaysa Awoodda ay lahayd Miinada Gaadhiga la kacday.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka