Ururka Midowga Afrika Oo Xilkii Ka Qaaday Taliyihii Ciidammada AMISOM

Hargeysa (HCTV) – Ururka Midowga Afrika ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidammada AMISOM ee Soomaaliya Gebreegziabher Mebratu oo u dhashay Dalka Itoobiya, gaar ahaan Qoomiyadda Tigreega.

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Moussa Faki ayaa 11 November, 2020 Amray in xilka laga qaado Taliyahaas, sida ku qoran Warqad ay aragtay Wakaaladda Wararka Reuters.

Wasaaradda Difaaca Itoobiya ayaa 10-kii November, qortay Warqad ay ku sheegayso in Taliye Gebreegziabher Mebratu aanu Daacad u ahayn Dalkiisa Itoobiya.

Sarkaal ka tirsan Ururka Midowga Afrika ayaa Wakalaadda Wararka ee Reuters u sheegay in ururku Sarkaalkaas caydhiyey, isagoo ka jawaabaya dalabka Dawladda Itoobiya.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu dalka Itoobiya ka socdo Dagaal u dhexeeya Ciidammada Dawladda Federaalka ah iyo Ciidammada Qoomiyadda Tigreega, kaasi oo 9-kii Maalmood ee u dambeeyay ka socday Gobolka Tigreega ee Waqooyiga Itoobiya.

Dawladda Raysal-wasaare Abiy Axmed oo dagaal siyaasadeed iyo mid Ciidanba ku qaadday Maamulka Tigreega oo ka soo horjeedsaday ayaa Toddobaadkii u dambeeyay xidh-xidhay illaa 17 Sarkaal oo ka mid ahaa Milletariga Itoobiya, balse u dhashay Qoomiyadda Tigreega, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay Carqaladeeyeen Isgaadhsiinta Xarunta Dhexe ee Ciidammada iyo Saldhig weyn oo Ciidammada Federaalku ku lahaayeen Gobolka Tigreey-ga, kaasi oo markii dambe ay qabsadeen Jabhadda Tigreega ee TPLF.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka